Mogadisho.Madaxa Sirdoonka Soomaaliya oo xoog ku kaxeysteen hasan dahir

Xasan Dahir Aweys oo maalmo ka hor ka soo fakaday Al-shabaab balse odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha Ceyr iyo Saleeban shalay gelinkii dambe ka soo kaxeeyeen Magaalada Cadaado isla markaana keeneen Magaalada Muqdisho, halka wararka qaarna ay sheegayaan in Sheekh Xasan Dahir Aweys oo xalay Ciidamo uu hogaaminayay Bashiir Goobe Madaxa Sirdoonka Soomaaliya xoog ku kaxeysteen ay la wareegeen hadda Sirdoonka reer galbeedka oo Saldhig ku leh xarunta xalane ee Magaalada Muqdisho.
Wasiir la socda Xaalada Sheekh Xasan Daahir ayaa inoo sheegay in niman cadaan ah oo la aaminsan yahay in Mareykan iyo reer Galbeed yihiin ay haatan la baxeen Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ah Col Ciidamadii hore soomaaliya balse ah aas aasihii kooxaha mayalka adag ee dagaalka kula jira reer galbeedka iyo dowladaha taageera, lamana  oga in Garoonka Diyaaradaha Muqdisho laga dhoofiyay iyo in kale ama inuu ku jiro xarunta xalane oo Sirdoonka AMISOM iyo kuwa reer galbeedka saldhig u ah.

Waxay doonayaan Sirdoonka reer galbeedka inay su’aalo weydiiyaan Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ah nin xog badan ka haaya shabaabka isla markaana xog-ogaal rasmi ah u ah xaaladaha islaamiyiinta soomaaliya, Waxaa laga war dhawraya jawaabta Dowlada Soomaaliya ka bixin doonta balan furka lagu eedeeyay inay ku sameysay xubnihii suuragal ka dhigay Sheekh Xasan Dahir Aweys in laga soo kaxeeyo Magaalada Cadaado.
Posted Afgooy By ishabaydhabo

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele