Xasan Daahir inaan Muqdisho usoo kaxeyno’’ Sidaasi waxaa yiri Nabadood Axmed Diiriye.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday in Muqdisho loo soo kaxeeyo kadib dadaal ay sameeyeen Ergo ka kala socota Dowladda Federaalka iyo saraakiil ku sugan Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb.
Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ku sugan magaalada Cadaado ayaa sheegay in maanta ay qorsheynayaan in Xasan Daahir Aweys la keeno Muqdisho, isagoo ka gaabsaday inay u gacan gelinayaan Dowladda Soomaaliya iyo in kale.
‘’Haddii Ilaaheey Idmo hadaan wax kale isbedelin inaan Xamar nimaado maanta ayaan rabnaa wuuna ogolaaday Sheekh Xasan Daahir inaan Muqdisho usoo kaxeyno’’ Sidaasi waxaa yiri Nabadood Axmed Diiriye.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa degmada Cadaado waxaa ka socday dadaalo ay wadeen ergo ka socotay dowlada,  Odayaal iyo siyaasiyiin ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb kuwaas oo ugu dambeyn ku guuleystay in Sheekh Xasan Daahir lagu qanciyo in Muqdisho la keeno.
Sheekh Xasan Daahir ayaa Labadii maalmood ee ugu dambeeysay ku sugnaa magaalada Cadaado kadib markii uu ka soo baxsaday kooxdii uu ka tirsanaa ee Al-Shabaab isagoo diidanaa in la keeno Muqdisho, waxaana sida muuqata ergadu ku guuleysteen iney ku qanciyaan Sheekha in la keeno Muqdisho.

Kala Soco Warar Sugan:
Posted Afgooy By Ishabaydhaba.

Comments

Popular posts from this blog

Attack hits northern Nigeria church (Video)

Beledweyne oo ku Fatahay Wabi Shabeele