Xisbul Islaam oo sheegay in ay ka Baxeen Al-Shabaab.
Ururka Xisbul Islaam oo sanadkii 2010-kii ku biiray kooxda Al-Shabaab ee xiriir la leh ururka Al-Qaacida ayaa maanta shaaciyay in ay ka baxeen kooxdaas kaddib markii ay arkeen in inta badan waxyaabaha lagu heshiiyay aney hirgalin, sida lagu sheegay war maanta ka soo baxay sarkaal ka tirsan kooxda Xisbul Islaam. Sheekh Maxamed Macallin oo ka mid ah saraakiisha Xisbul Islaam ayaa sheegay in uu dhammaaday midowgii iyo xiriirkii ka dhexeeyay labada dhinac hadda wixii ka dambeeyana aysan shaqo ku lahayn ururka Al-Shabaab. Wuxuu saxaafadda u aqriyay illaa lix qoddob oo ay maanta soo saareen kuwaasoo kala ah:- 1- In Qorshihii ay ugu biireen Al-Shabaab aanu waxbo ka hirgalin taasoo ahayd in la soo celiyo midnimada ummada Soomaaliyeed. 2- In Xisbul Islaam ay weeysay xalkii markii hore keentay in ay la midowdo Al-Shabaab dedaal kasta oo la sameeyay aanu waxbo soo naasa cadaan waayay. 3- In laga bilaabo maanta aanay Xisbul Islaam ka mid ahayn Al-Shabaab isla markaana ay isku hadaf i...

Comments
Post a Comment