Popular posts from this blog
Qalalaasaha Tigray: Faahfaahinno ka soo baxaya khasaaraha xooggan ee ka dhashay dagaalka Itoobiya
Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada qaranka dalkaasi ay dileen 550 ka tirsan dagaalyahanada (TPLF) xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka ka socda gobolka Tigray. Ma jiro warar madaxbanaan oo xaqiijinaya Sheegasha dowladda dhexe ee Itoobiya. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli la soo sheegayo boqollaal dhimasho ah oo labada dhinac ah. Talaadadii madaxa TPLF, Debretsion Gebremichael ayaa ku eedeeyay dwoladda Eritrea inay weerar ku soo qaaday gobolka Tigray. Eedeyntaasi ayaa waxaa beeniyay dowladda Eritrea iyo militariga Itobiya. Dhanka kale booliiska fedaraalka Itoobiya ayaa waxay sheegeen in la xiray 17 sargaal oo ka tirsan militariga, islamrkana lagu eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen shirqoolkii toddobaadkii aanu soo dhaafnay lagu weeraray saldhig militari oo ku yaalla waqooyiga Itoobiya. Saraakiishan ayaa lagu eedeeyay in ay carqaladeeyeen isgaarsiintii u dhaxeysay saldhiga iyo xarunta ciidamada qaranka. BBC SOMALIA
Xasan Daahir inaan Muqdisho usoo kaxeyno’’ Sidaasi waxaa yiri Nabadood Axmed Diiriye.
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday in Muqdisho loo soo kaxeeyo kadib dadaal ay sameeyeen Ergo ka kala socota Dowladda Federaalka iyo saraakiil ku sugan Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb. Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ku sugan magaalada Cadaado ayaa sheegay in maanta ay qorsheynayaan in Xasan Daahir Aweys la keeno Muqdisho, isagoo ka gaabsaday inay u gacan gelinayaan Dowladda Soomaaliya iyo in kale. ‘’Haddii Ilaaheey Idmo hadaan wax kale isbedelin inaan Xamar nimaado maanta ayaan rabnaa wuuna ogolaaday Sheekh Xasan Daahir inaan Muqdisho usoo kaxeyno’’ Sidaasi waxaa yiri Nabadood Axmed Diiriye. Maalmihii la soo dhaafay ayaa degmada Cadaado waxaa ka socday dadaalo ay wadeen ergo ka socotay dowlada, Odayaal iyo siyaasiyiin ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb kuwaas oo ugu dambeyn ku guuleystay in Sheekh Xasan Daahir lagu qanciyo in Muqdisho la keeno. Sheekh Xasan Daahir ayaa Labadii maalmood ee ugu dambeeysay ku sugnaa ...

Comments
Post a Comment