Garoonka Kismaayo.oo Diyaarado Duqeyn Xoogan u Geystay.
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in diyaarado shisheeye ay duqeyn cirka ah la beegsadeen garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Weerarka oo goor dhowayd dhacay ayaa lagu bar-tilmaameedsaday saldhig Al-Shabaab ay ku leedahay gudaha garoonka oo la aaminsan yahay inay ku tababarto maleeshiyadeeda. Labo ka mid ah gantaallada ayaa ku dhacay gudaha garooonka, halka labo kalena ay ku dhaceen hareerahiisa. Ilaa hadda lama oga in duqeynta ay geysatay khasaare. Waxaan kaloo la ogeyn cidda qaadday weerarka. Weerarka ayaa yimid xilli xiisad colaadeed ay ka jirto magaalada Kismaayo, duleedka magaaladana ay ku dagaallamayaan ciidamada huwanta iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo isku dayaysa inay sii haysato magaalada. Posted Afgooy (by; ishabaydhaba)