Xaalad cabsiyeed oo aan hore u soo marin ayaa ka taagan dalalka Khaliijka Carabta, taas oo ka danbaysay sir masuuliyiin sar sare oo ka tirsan ciidamada Cirka Ruushku baahiyeen dhawaan, kuna sheegeen in Moscow diyaarisay duulaan dhinaca cirka ah oo ay ku qaadayso magaalooyinka Riyaad iyo Doha ee caasimaddaha dalalka Sucuudi Arabiya iyo Qatar. Xaalada ayaa cirka isku sii shareertay markii dhawaan, dalalka Sucuudi Arabiya iyo Ruushku, Is Dhaafsadeen eedaymo mid walba dhinaca kale u jeedinayo, kuwaas oo ka dhashay taageerada Ruushku siiyo Dowlada dalka Suuriya iyo ta Sucuudigu la garab taagan yahay kooxaha mucaaridka ee dagaalka kula jira, Madaxweyne Bashaar Al Asad. Todobaadkii hore ayay ahayd markii wasiirka arrimaha dibada Sucuudi Arabiya, Amiir Sucuud Bin Faysal Bin Cabdi Casiis uu Xukuumada Ruushka, ku eedeeyay in ay taageerayso maamulka dalka Suuriya ee Bashaar Al Asad hogaamiyo, taas oo uu wasiirku ku tilmaamay, mid waxa kaliya ee ay qabataa tahay, xasuuq wadareed ...