Posts

Garoonka Kismaayo.oo Diyaarado Duqeyn Xoogan u Geystay.

Image
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in diyaarado shisheeye ay duqeyn cirka ah la beegsadeen garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Weerarka oo goor dhowayd dhacay ayaa lagu bar-tilmaameedsaday  saldhig Al-Shabaab ay ku leedahay gudaha garoonka oo la aaminsan yahay inay ku tababarto maleeshiyadeeda. Labo ka mid ah gantaallada ayaa ku dhacay gudaha garooonka, halka labo kalena ay ku dhaceen hareerahiisa. Ilaa hadda lama oga in duqeynta ay geysatay khasaare. Waxaan kaloo la ogeyn cidda qaadday weerarka. Weerarka ayaa yimid xilli xiisad colaadeed ay ka jirto magaalada Kismaayo, duleedka magaaladana ay ku dagaallamayaan ciidamada huwanta iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo isku dayaysa inay sii haysato magaalada. Posted Afgooy (by; ishabaydhaba)

Taliyaha Ciidamada Dowlada Ingiriiska ayaa mugadisho ku tagay booqasho kuna kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Image
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay  taliyaha guud ee ciidamada dowladda Britain, Sir Peter Wall iyo safiirka Britain ee Soomaaliya, Matt Bough. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka kaddib saxaafadda u sheegay inay ka wada hadleen labada dhinac sidii loo tayeyn lahaa ciidamada qaranka Soomaaliya, isagoo sheegay inay ka codsadeen dowladda Ingiriiska in ay gacan ka siiyaan sidii tababarro casri ah loo siin lahaa ciidamada Soomaaliya. Taliyaha guud ee ciidamada Britain, Sir Peter Wall ayaa isagana tilmaamay in dowladda Ingiriiska ay ka go’an tahay inay ka caawiyaan dowladda Soomaaliya dib-u-dhiska ciidanka iyo qalabeyntooda. Matt Bough oo ah Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda David Cameron ay dhinac walba kala shaqeyn doonto dowladda cusub ee Soomaaliya, isagoo xusay inay isku afgarteen madaxweyne Xasan Sheekh dhamaan qodobbadii ay ka wada hadleen. Posted Afgooy

Afgooye:Nin ka Tirsanaa Bahda Cayaaraha ayaa Kooxo Hubeysan ku dilay Magaalada Afgooye.

Image
Koox hubeysan ayaa xalay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ku dishay nin la sheegay inuu ka tirsanaa bahda cayaaraha ee degmada. Marxuumka la dilay oo la oran jiray Cabdulqaadir Cumar Maxamed ayay kooxda oo bastoolado ku hubeysneyd toogatay xilli uu ka soo baxay masjid ku yaalla suuq-yaraha xaafadda Xaawo Taako ee degmada Afgooye. Kooxda dilka gaysatay ayaa ka baxsatay goobta, iyadoo ciidamada dowladda ay baaritaanno ka sameeyeen goobta uu falka ka dhacay. Lama oga sababta ka Dambaysa dilka marxuumka. Posted Afgooy (by; ishabaydhaba)

Xisbul Islaam oo sheegay in ay ka Baxeen Al-Shabaab.

Image
Ururka Xisbul Islaam oo sanadkii 2010-kii ku biiray kooxda Al-Shabaab ee xiriir la leh ururka Al-Qaacida ayaa maanta shaaciyay in ay ka baxeen kooxdaas kaddib markii ay arkeen in inta badan waxyaabaha lagu heshiiyay aney hirgalin, sida lagu sheegay war maanta ka soo baxay sarkaal ka tirsan kooxda Xisbul Islaam. Sheekh Maxamed Macallin oo ka mid ah saraakiisha Xisbul Islaam ayaa sheegay in uu dhammaaday midowgii iyo xiriirkii ka dhexeeyay labada dhinac hadda wixii ka dambeeyana aysan shaqo ku lahayn ururka Al-Shabaab. Wuxuu saxaafadda u aqriyay illaa lix qoddob oo ay maanta soo saareen kuwaasoo kala ah:- 1- In Qorshihii ay ugu biireen Al-Shabaab aanu waxbo ka hirgalin taasoo ahayd in la soo celiyo midnimada ummada Soomaaliyeed. 2- In Xisbul Islaam ay weeysay xalkii markii hore keentay in ay la midowdo Al-Shabaab dedaal kasta oo la sameeyay aanu waxbo soo naasa cadaan waayay. 3- In laga bilaabo maanta aanay Xisbul Islaam ka mid ahayn Al-Shabaab isla markaana ay isku hadaf i

Deegaanka Janaay Cabdalla ee Gobolka Jubadda Hooose ayaa Xalay ka Dhacay Dagaal Xoogan.

Image
Wararka saaka naga soo gaaraya deegaanka Janaay Cabdalla oo qiyaastii 60km u jira magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dagaalculus uu xalay ka qarxay deegaanka kadib markii ciidamada Al-Shabaab ay weerareen saldhigyo ciidamada Kenya iyo kuwa dawlada Soomaaliya ku lahaayeen Janaay Cabdalla. Saraakiisha ciidamada dawlada iyo kuwa Kenya kama hadlin weerarka xalay hase yeeshee dad deegaanka ku sugan ayaa sheegaya in weerarka xalay uu socday qadar ka badan iyadoo la maqlayey dhawaqa hubka culus iyo kan fudd oo la isu adeegsanayo. Ma cadda khasaaraha kala gaaray labada dhinac, sidoo kalana Al-Shabaab ma bixin faahfaahin dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka inkastoo ay sheegeen inay iyagu weerareen deegaanka. Xaalada Janaay Cabdalla ayaa saaka degan iyadoo ciidamada dawlada iyo kuwa Kenya ay joogaan deegaanka. Dhanka kale waxaa maalintii shalay deegaanka Janaay Cabdalle soo gaaray saraakiil ka tirsan kuwa Kenya iyo AMISOM iyadoo diyaarad helicopter ah ay halkaasi geysay. Saraakiis

Madaxweynaha dalka Kenya, Mwai Kibaki ayaa codsaday in Qaxootiga Soomaaliya lagu Celiyo Dalkooda.

Image
Mwai Kibaki ayaa ka codsaday hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ururrada caalamiga ah inay ka shaqeeyaan sidii qaxootiga xeryaha Dhadhaab ku jira loogu rari lahaa meelaha laga saaray Shabaab, gargaarna loo siin lahaa. Kibaki oo hadal ka jeediyay shirka Qaramada Midoobay ee New York ayaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ka codsaday inuu oggolaado in qaxootiga dalkooda lagu celiyo, isagoo sheegay in qaxooti ka badan 65 kun aan la xamili karin. Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay ciidamada dowlada iyo AMISOM ay xoreeyeen goobo badan, xaaladda Soomaaliyana ay hadda ka duwan tahay sidii hore. Mwai Kibaki wuxuu sheegay in Kenya ay ka go’an tahay soo celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. Posted Afgooy (by; ishabaydhaba)

Egypt says IMF deal doesn't need approval by MPs

Image
Egypt denied on Monday that a $4.8 billion loan requested from the International Monetary Fund would be put to a yet-to-be-elected parliament for approval, a move that could have delayed the dispersal of funds. Any hold-up could shake the confidence of investors who have been cheered by Egypt's progress with seeking the loan, needed to plug holes in the country's budget and balance of payments. Alaa El Hadidi, the spokesman for Prime Minister Hisham Kandil, said that in the absence of a parliament - the chamber was dissolved in June - President Mohamed Mursi had legislative powers and could approve any agreement. "In accordance with the constitutional declaration, any international agreement needs to be approved by the legislative authority, and in the absence of parliament, President Mohamed Mursi is empowered to take such decisions," he told Reuters. Earlier, Egyptian state TV carried a report quoting Kandil as saying the IMF deal would be put to parliam