Posts

'E-cash' on the rise in Somalia (Video)

Image
It may be a poor nation, but many people in Somalia have access to mobile phones. The country also has a well-established system of transferring money. Now one aid agency is looking to combine both factors, so that help can be delivered quickly and safely to those that need it. Al Jazeera's Peter Greste reports on the rise of E-cash in Mogadishu.

Mogadisho; Qadar Sheekh Xaamid Bin Jassim Al-Thani, oo kulan kula yeeshay Madaxweyne Xasan

Image
Waxaa shalay booqasho aan horay loo sii shaacin oo qarsoodi aheyd ku yimid magaalada Muqdisho wafdi uu hogaaminayey wasiirka arrimaha dibadda dalka Qadar Sheekh Xaamid Bin Jassim Al-Thani, kaas oo kulan kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadda cusub gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Sida warku sheegayo wafdiga uu hogaaminayey wasiirka arrimaha dibadda dalka Qadar ayaa ujeedada ay u yimaadeen magaalada Muqdisho waxaa lagu sheegay inay magaalada keeneen deeq lacageed, waxaana la sheegay in deeqda lacageed ee uu wasiirku keenay ay ku jirtay boorso, laguna wareejiyey Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale wafdiga wasiirka ayaa Madaxweynaha iyo wasiirada kala hadlay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya iyo sidii ay dowladda Qadar uga qeybqaadan laheyd taakuleynta dowladda Soomaaliya. Warku wuxuu intaasi ku darayaa in kulanka ka dib iyo deeqdii ay ku wareejiyeen madaxda dowladda Soomaaliya wafdigii ka socday dowladd

Kismayo; Ku Dhawaad Shan qof ayaa ku dhimatay iska hor-imaad

Image
Ku Dhawaad Shan qof ayaa ku dhimatay, tiro intaas ka bandanna way ku dhaawacmeen kaddib markii uu maanta magaalada Kismaayo iska hor-imaad ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan huwanta ku sugan magaaladaas. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ay ciidanka Raaskambooni weerareen ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa isbaheysiga oo la sheegay in ay  jidgooyo dhigteen xaafadda Dalacaada ee magaalada Kismaayo. Dad Goobjoogayaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay in dadka dhintay ay ka tirsanaayeen dhinacyadii dagaallamay. Cabdinaasir Seeraar oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidamada maamulka ay la dagaallameen kooxo uu sheegay in ay dhigteen gudaha magaalada jidgooyooyin, wuxuuna xusay in haatan ay xaaladdu degan tahay. Odayaal dhaqameed iyo xubno ka tirsan maamulka ayay wararku sheegayaan in ay xaaladda farageliyeen oo ay wadaan dedaallo ku aadan in laga hortago dagaal kale oo ka dhaca Kismaayo. Posted Afgooy (BY Ishabaydhaba)

Mogadisho Xuska Boliska Police Somalia (Photos)

Image

Digil & Mirifle; Barnaamishka Dadow Doodnooy,

Image
Barnaamishkeenii Dadow Doodnooy oo aad nooga barateen in aan idin soo gudbino todobaadkiiba mar ayaa todobaadkaan waxaa inoogu marti ah Inj. Saalax Sheekh Cismaan oo ka mid ah gudiga dhawaan loo magacaabay inay kasoo shaqeeyaan Dowlad Goboleedka Koonfurta Soomaaliya. Waxaa kaloo inoogu marti ah Gudoomiyaha Jaaliyada Digil iyo Mirifle ee Dalka Boqortooyada Sacuudiga Cumar Mursal Yaxye (Cumar Boongo) iyo Gudoomiye ku xigeenka Jaaliyada Digil iyo Mirifle ee Dalka Ingiriiska Inj. Maxamed Nuur Sheekh. Barnaamishka ayaan waxaan diirada ku saari doonaa xiriirka ka dhexeeya Jaaliyadaha Koonfurta Soomaaliya (DM) ee ku nool dalka dibadiisa iyo Mas’uuliyiintooda ku nool dalka Gudihiisa iyo dib u dhis intee la eg ayey ka geysan karaan dalka gudihiisa. Posted Afgooy (BY Ishabaydhaba) Fiirsasha Feyle.

Somalia Mogadisho; Wasiiro Kuxigeen

Image
1. Faarax Sheekh C/qaadir Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Beesha Shanaad/Reer Aw-Xasan. 2. Dr. Maxamed Nuur Gacal Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, Hawiye/Murasade 3. Mahdi Maxamuud Cali Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha, Daarood/Dhulbahante 4. Maxamed Rashiid Sheekh Daahir Wasiiru dowlaha Maaliyadda, Digil iyo Mirifle/ Yantaar 5. Maxamuud Ismaaciil Barqadle Wasiiru dowlaha horumarinta iyo adeega bulshada, Dir/Gadabiirsi Magacyada Wasiiro ku xigeenada iyo beelahooda Beesha Shannaad 1. Xasan Ibraahim Maxamed Xasan jabaan Wasiir ku xigen arrimaha gudaha, Beesha Shanaad/Ajuuraan. 2. Bashiir Maxamed Jaamac Wasiir ku xigeenka horumarinta, Beesha Shannaad/Madhibaan. 3. Fahmo Axmed Nuur Wasiir ku xigen cadaaladda, Beesha Shannaad/Reer Xamar. 4. Axmed Maxamed Maxamuud Wasiir ku xigeenka gaashaandhigga, Beesha Shannaad/Carab Saalax. Daarood 1. Eng. Maxamed Aadan Axmed Wasiir ku xigeenka arrimaha Dibada, Daarood/Awrtable. 2. C/qaadir Sheekh Ismaacil Wasiir ku xigeenka Ganacsiga, Daarood/Leelkase.

Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo eedeeyey madaxweyne Hassan

Image
 Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaasna xildhibaan soo ahaa muddo ka badan 10-sano ayaa ka hadlay dhameystirkii wasiirada iyo magacaabistii wasiiru-dowlayaasha iyo ku xigeenada iyo sidoo kale qaabka ay ku dhisantahay dowladda cusub ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in hay’adaha dowladda gaar ahaan Xukuumadda iyo madaxtooyada ay qabsadeen sida uu yiri hal xisbi oo keliya. Xildhibaan Maxamed Axmed Kulalihi ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dowladdu uu ka buuxiyey xisbigiisa oo keliya, wuxuuna xusay in wasiiro ku xigeenada iyo wasiiro dowlayaasha cusub ee dhawaan la magacaabay inay u badanyihiin xisbiga uu ka soo jeedo Madaxweynaha, isagoo sheegay in arrinkaaasi laga fiicnaa. “Sida aad u jeedaan Golihii wasiirada waxaa qabsaday hal xisbi oo keliya, xisbiga Madaxweynaha oo keliya ayaa meesha la geeyay, aaway dadkii kale ee dowladda wax ka lahaa, mise cid aan xisbigii Madaxweynaha ka tirsaneyn wa