Khubarada Milatariga ee waddamada reer galbeedka ayaa markii ugu horaysay ka waramay weerarkii diyaaradaha Israel ku duqeeyeen 24-kii bishan October ku burburiyeen saldhig milatariga Suudaan leeyahay oo ku yaala duleedka Magaalada Khartuum ee caasimadda dalkaas, kaas oo ay ku macneeyeen, mid cadayn u ah in israel diyaar u tahay duqayn dhinaca cirka ah oo ay ku beegsato xarumaha Nukliyeerka ee dalka Iiraan. Khabiirada Milatariga ee dalalka Reer Galbeedku waxa ay soo bandhigeen, tirada diyaaradaha weerarkaas ka qayb qaatay, noocyada ay ahaayeen, sida ay ugu guulaysteen inay raadarada ka dhuuntaan, qaarna khalkhaliyaan, masaafada ay socdeen oo gaaraysa 3900-km, in dhexda ay shidaal ku kala qaateen, sababta Israel Xaruntaas u duqaysay, xiriirka Iiraan warshadaasi la lahayd iyo muddada weerarkaas la diyaarinayay, kuwaas oo marka la isku soo wada duubo daliil cadaan ah u noqon kara sida Israel diyaar ugu tahay in duulaanka kan xigaa noqdo xarumaha nukliyeerka Iiraan. Jariirada todobaadla...