Madaxtooyada Soomaaliya oo Isbedel Xoogan Ka Bilowday.
Isbedel dhanka shaqooyinka ah oo si hoose u socda ayaa ka bilawday xafiisyada xarunta madaxtooyada Soomaaliya “Villa Soomaaliya” ee Muqdisho, sida aan ka ogaanay saraakiil madaxtooyada jooga. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankii ugu horeeyay ee uu la yeeshay shaqaalaha madaxtooyada saddex maalmood kadib doorashadii dhacday 10/09/2012, ayuu ugu ballanqaaday shaqaalaha madaxtooyada inaysan ka welwelin shaqooyinkooda oo ay sii joogi doonaan taasoo dad badan u fasirteen hadal sabarsiin ayaa hadda waxaa ku yimid isbedel. Sida ilo wareedyada noo waramay, ay sheegayaan waxaa isbedelkan xoogiisa ku lug leh la taliyaha madaxweynaha Faarax Sheekh C/qaadir oo hadda ah ninka talooyinka iyo go’aanada madaxtooyada ay ka soo fulaan. Saraakiil la ceyriyey Tan iyo markii madaxweynaha cusub iyo shaqaalihiisa ay sida rasmiga ah u degeen xarunta Villa Soomaaliya waxaa socday shaqo ka fariisin si qunyar ah loo sameynayey taasoo aan si weyn loo dareemin balse ahayd qorshe in dhoweyda la filay